Hooyo Macaan - Abubakar Mohammed & Ilyas moa

Abubakar Mohammed

20-10-2022 • 3 minutos

Hooyooy Macaan

Adigaa aduunka I keenay
Adigaa uurka igu qaaday
Adigaa dhiigaaga nuugay
Adigaa Ifka igu barbaarshay
Hooyoy Abaalkaga Bini’adam gudi waayay
Amaantaada hooyo waan soo koobi kari waayay

Marka ku arko waan
Ka maqsuudi la
Murugadan qabee
Hooyo macaan

Muuqaagu wuu Iga meydhi la
Dhibtaan so maree Hooyo macaan
Intan ka maqnay
Waan magano
Manfac iyo hurdaba
Wayska maanacee hoyoo macaan

Maa aragtida
Waxay Ila mid tahay
Anigoo makkah iyo madinaba tagoo
Xajka soo maree
Hooyo magan ilaah Markastaba ahow

Maamoy dhib aah
Ila soo martee
Miisaan xaq aah
Lama maagi karee
Mininkaa janada mowla haka dhigo
Mamoy macaan mowla haka dhigo

Allow Hooyo Hoygeeda Janada Fardowsa ka Yeel
Allow Hooyo Hamigeda U Yeel
Allow Hooyo Kitaabkeeda midig ka sii
Allow ugu deeq farxad, caafimaad, cumri dheer,
Allow Hooyo ugu Naxariiso siday yaraanteyda iigu naxariisan jirtay

Maa aragtida
Waxay Ila mid tahay
Anigoo makkah iyo madinaba tagoo
Xajka soo maree
Hooyo magan ilaah Markastaba ahow

Maamoy dhib aah
Ila soo martee
Miisaan xaq aah
Lama maagi karee
Mininkaa janada mowla haka dhigo
Mamoy macaan mowla haka dhigo